Waxaynu dowlad ku nahay inta dirayska inoo sidda

W/Q: Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Nooc kasta iyo heer kasta oo ay yihiinba, Ciidamadeena Dirayska sidaa:

1. Waa iyaga kuwa inoo suurto geliyey in aynu ku seexano nolol nabad iyo deggenaansho leh;

2. Waa iyaga kuwa inoo suurto geliyey in ay caruurteenu iskuullada ku tagaan kalsooni iyo cabsi la’aan;

3. Waa iyaga kuwa inoo suurto geliyey in aynu hiigsano horumar nololeed oo heer kastaba leh;

4. Waa iyaga kuwa inoo suurto geliyey in aynu ka hodmano ganacsi iyo tijaarad kala duwan;

5. Waa iyaga kuwa inoo suurto geliyey in Qarankeenu ku taagnaado lugo adag;

6. Waa iyaga kuwa inoo suurto geliyey in aynu si xor ah u dooran karno cidda aynu ku aaminayno hoggaaminta Qarankeena, iyaga oo aan wax fara gelin ah ku samaynin;

INTA AYNU U BAAHANAHAYBA WAY U BAAHAN YIHIIN!!

Muwaadin, ma og tahay in Ciidamadeena Qalabka sidaa ay u baahan yihiin inta aad u baahan tahayba?

Inta Dirayska inoo siddaa:
• Waxay u baahan yihiin in caruurtoodu ay helaan waxbarasho tayo leh oo ay awoodi karaan;
• Waxay u baahan yihiin in qoysaskoodu ay helaan daryeel caafimaad oo ay awoodi karaan;
• Waxay u baahan yihiin in ay helaan hoy ama guryo ay kiradooda awoodi karaan;

Waxan aaminsanahay in Quruxda iyo Haybadda Ciidamadeenu ay tahay Quruxda Qarankeena.

Waxan aaminsanahay in Daryeelka Ciidamadeenu ay tahay Degenaanshaha Qarankeena.

Ugu dambayntii, muwaadin waa in aynu si dhab ah u ogaano in inta Dirayska inoo siddaa ay inaga mudan yihiin xurmayn, xaq dhowr iyo  xaq siinba.

HA NOOLAADAAN CIIDAMADA QALABKA SIDA EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND.