Wasiir Ciise Kayd oo booqday Safaaradda Somaliland ee Kenya

Nairobi-(Berberanews)-Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Dr.Ciise Kayd Mohamuud  ayaa saaka booqday Xafiiska Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya.

Wasiirka iyo weftigiisa waxa Safaaradda ku qaabilay Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Md. Maxamed Axmed Barwaani oo ay weheliyaan Madaxa Iskaashiga Mashaariicda Horumarka Mudane Ismail Shirwac iyo masuuliyiinta Safaaradda, waxaanay halkaas kulan kooban oo is xog-waraysi ah kula qaateen qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Nairobi.

Weftiga uu hoggaaminayo wasiir Ciise Kayd ayaa maalmahanba socdaal ku jooga dalka Kenya.