WIKILEAKS oo baahiyay sir ku saabsan xidhiidh dhexmaray Somaliland iyo Maraykanka

H3 ayaa waxa ay shalay dib u daabacday warar sir ah, kuwaas oo dhexfadhiyey Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka.

Dookumentigan ayaa waxa uu sheegayaa in Somaliland ay ka go’antahay hadafkeeda ah in ay noqoto wadan madaxbanaan.

Waxa kale oo dookumentka uu sheegayaa  In Maraykanka 93 jeer uu wacay Madaxtooyada Somaliland.Hadalada ay ku wada hadleen Maraykanka iyo Somaliland ayaad ka akhrisan kartaa H3.

▪︎ In Maraykanka uu aaminsanyahay in aanay jirin wadan doonaya madaxbanaani, oo sida Somaliland sharciyad u haysta in uu noqdo wadan madaxbanaan.

Sirtan oo ay Wikileaks banaanka keentay sanadkii 2016, ayna qoreen Scott Pegg iyo Eiki Berg ayaa dib loo daabacay shalay oo April 14,2022.

Documentigan ayaa ka kooban 22 bog halkan ka akhriso.