Tanzania: Xuska 100 sano guurada dhalashadii Nyerere

Tanzania-(Berberanees)-Tansaaniya waxay u dabaaldageysay 100 sano tan iyo markii uu dhashay aabihii dalkaad, marxuum Julius Nyerere.

Munaasabado ayaa lagu qabtay tuulada uu ku abtirsado ee Butiama, halkaasoo lagu aasay labaatan sano ka hor.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay ayaa ku tilmaamay inuu ahaa nin is-hoosaysiiya oo mar walba ka dagaalami jiray musuqmaasuqa.

Waxaa sidoo kale lagu xusuustaa inuu awood u yeeshay inuu mideeyo Tansaaniyaanka ka soo jeeda dhammaan sooyaalka bulshada iyo dhaqanka, iyo ka dhigista Sawaaxiliga luqadda rasmiga ah ee dalka.

Intii lagu guda jiray xuska, Emmanuel Kiondo, oo ah maamulaha Matxafka Nyerere ee Butiama, ayaa sheegay in ay soo kordhinayaan waxyaabo cusub manhajka dugsiga si ardaydu ay wax badan uga bartaan Nyerere.

Berberanews.com
Info@berberanews.com