Germany oo caddaadis lagu saaray inuu si buuxda u joojiyo gaaska Ruushka

Germany-(Berberanews)-Madaxa ururka tamarta tamarta ee BDEW, Marie-Luise Wolff, ayaa yidhi, “Jarmalku waa inuu dejiyaa jadwal uu kaga baxo isticmaalka gaaska Ruushka”.

Waxaa jira cadaadis Jarmalku lagu hayo inuu joojiyo lacagaha uu Kremlin-ka ku bixiyo si uu dagaal u qaado oo uu naftiisa uga ilaaliyo joojinta degdega ah ee dhoofinta dhinaca Ruushka uga timaada.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier uu sheegay inuu u soo bandhigay inay booqasho ku tagaan dalka Ukraine isaga iyo madaxda kale ee Midowga Yurub, balse Kyiv ayaa u sheegay inaan la soo dhawaynayn sababo la xidhiidha xidhiidhka dhow ee uu la leeyahay Ruushka iyo taageerada uu u hayo dhuumaha gaaska ee Nord Stream 2 oo hadda hakad ku jira,kuwaasoo loogu talagalay in lagu labanlaabo qulqulka gaasta Ruushka ee Jarmalka.

“Waa inaan hadda isticmaalnaa dhammaan tamarteena si aan u diyaarino ka bixitaankeena saadka gaaska Ruushka si faahfaahsan iyo in aan ku xoojino tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah jadwal hami leh,” Wolff ayaa yidhi.

Machadka dhaqaalaha ee hormuudka ka ah Jarmalka ayaa sheegay in korodhka tamarta Ruushku ay sababi doonto hoos u dhac sanadka 2023 wuxuuna hoos u dhigay saadaasha koritaanka 2022 ee dhaqaalaha ugu weyn Yurub sababtoo ah saameynta dagaalka Ukraine.

Berberanews.com
Info@berberanews.com