Natiijada baadhista hordhaca saamaynta masiibadii Suuqa Waaheen oo lagu soo bandhigay Nairobi

NairobiĀ  -(Berberanews)-Natiijada baadhis hordhac ah oo laga sameeyey saamaynta masiibada dabkii baabi’yey Suuqa Waaheen ee caasimadda Hargeysa ku yeeshay guud ahaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu soo bandhigay kulan ballaadhan oo wefti culus oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise Kayd Maxamuud iyo Beesha Caalamka ku dhexmaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya caawa.
“Soo bandhiggii Nayroobi ee baadhis hordhac ah oo ku saabsan saamaynta uu dabkii ka qarxay Suuqa Waaheen ku yeeshay guud ahaan Qaranka Somaliland, waxa ay ahayd mid aayo leh oo abuurtay doodo iyo xog iswaydaarsi yeelanaya midho-dhal degdeg ah.


Adduunku ha ogaato in xannuunka gaadhay Somaliland ay iyadu uga war roon tahay cid walba, sidaa daraaddeed ay Somaliland jeceshahay in adduunku ku raaco halka wax laga qabanayo, sida loo qabanayo iyo sida loo kala horreysiinayo.
Hargeysa way ka kacaysaa kufidda Waaheen, waxaanay soo noqonaysaa iyadoo sidii hore ka door roon.” Sidaa waxa bartiisa Facebook ku qoray Jaamac Muuse Jaamac oo ka mid ah weftiga hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.