Cabdiraxmaan Cirro oo si adag uga hadlay suxufiyiin lagu xidhay Hargeysa

Hargeysa -(Berberanews)-Murrshaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa qoraal uu soo saaray si adag ugaga hadlay wariyeyaal tiro badan oo lagu xidhay magaalada Hargeysa, kadib markii ay lagu eedeeyey inay warar dhiilo leh oo aan sugnayn ka baahiyeen shaqaaqo ka dhacday gudaha  Xabsiga Dhexe ee Caasimadda Somaliland duhurkii maanta.
“Waxa aan si adag u cambaareynayaa falalka foosha xun ee lagu xidhxidhay, isla markaana lagu qafaashay suxufiyiin kor u dhaafaya labaataneeyo suxufi iyo Telefishinka madaxabannaan ee HCTV oo xaruntiisa dhexe xoog lagu galay, qalab badanna laga burburiyey. Arrintani waxa ay muujinaysaa oo ay ka marag kacaysaa fashilka hoggaamineed ee dul-hoganaya Xukuumadda talada haysa ee KULMIYE.

Waxa marag ma doon ah sida ay Xukuumadda KULMIYE mar walba bar-tilmaameed uga dhigteen xadhigga, caga-jugleynta, cabudhinta Suxufiyiinta xurmada leh ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ummadda reer Somaliland is weydiineysaa goorma ayey saxaafaddii Somaliland noqotay mid dawladdeedii dagaal kula jirto? Saxaafadda qarankeennu duruufo badan oo adag ayey dalkan iyo dadkiisaba u soo martay, xukuumad kastana waa in ay ka shaqeysaa tayeynta iyo sare u qaadista aqooneed ee saxaafadda xorta ah ee JSL.
Xukumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqayaa in ay si degdeg ah xorriyaddoodii ugu soo celiso suxufiyiinta sifada sharci-darrada ah ku xidhan, mag-dhowna ka bixiso dhammaan qalabkii warbaahineed ee ay burburiyeen, isla markaana ka waantoodo fafalkan gurracan ee ka soo horjeeda xorriyatul-qowlka iyo madaxbannaanida warbaahinta ka hawlgasha JSL iyo ku tumashada xuquuqal insaanka.
Dhanka kale, saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland ee madaxabannaan waxa aan ugu baaqayaa  in ay u samraan oo aanay ku niyad jebin ficillada anshaxa iyo sharcigaba ka baxsan ee ay Xukuumadda KULMIYE ku kacayso, waxa aan leeyahay cidda aad u adeegaysaan waa dalkiinnii iyo dadkiinnii, inta uu dhalanayo isbeddelka shacbigu hoggaaminayo ee iman doona 13 November 2022,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi murashax Cirro oo isu dhigay in xisbigiisu ku guulaysan doono doorashada madaxtinimada Somaliland ee u muddaysan dabayaaqada sannadkan.