Ambassador Baashe Cawil: “Waxa wanaagsan ee ina mideeya ayaa ka badan inta yar ee aynu ku kala qaybsanay”

Waxa dhowaan suuqa weyn ee Waaheen ka dhashay dab khasaare badan u geystay hantidii iyo dhaqaalihii muwaaddiniin fara badan oo reer Somaliland ahaa kana ganacsan jiray halkaas.
Masiibadan waxaad odhan kartaa waa mid ka mida dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee intii ay jirtay Jamuuriyadda Somaliland la soo kulantay, waana mid qaabka looga baxayo ama looga soo kabanayo ku xidhan tahay hadba sida aynu u wajahno ama uga hortagno.
Illaa hadda shacabka iyo haldoorka Somaliland ba si isku mid ah oo midaysan baa arrintan loo wajahay oo loogu kacay.
Waxa ayaamahan soo badanaya hadallo iyo aragtiyo siyaadadeed oo dhinacyo kala duwan iska taagaya qaabka ama wadadda loo marayo dib u dhiska iyo soo noolaynta Suuqa Waaheen.
Waxaan ku talin lahaa in arrintan aan la siyaasadayn ee loo daayo hay’adaha ku shaqada leh, dawlad iyo shacabanna aynu u guntanno sidii aynu guntiga dhiisha uga xidhan lahayn ee aynu u soo celin lahayn ganacsigii iyo suuqii Waaheen, dadka hantidii ka gubatayna loogu soo celin lahaa.
Mucaarid iyo muxaafidba maanta waxa lagu qiimaynayaa hadba sida aynu uga qaybgalno gurmadkaas ee aan wax ugu darsanno.
Waxaan ka digayaa in aanay masiibada Suuqa Waaheen ka dhacday noqon mid ina kala qaybisa, balse ay noqoto mid sidii caadadu inoo ahayd muujisa dhaqankii iyo ficilkii lagu yiqiin Somaliland ee ahaa in loo midoobo wixii danta guud ah, meelna looga soo wada jeesto.