3 askari oo ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Hargeysa

Hargeysa -(Berberanews)-Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe magaalada Hargeysa duhurkii maanta.

Rag ka tirsan maxaabiista ku xidhan qaybta A ee Jeelka, oo ay ku jiraan maxaabiista dambiyada waaweyn oo ay ka mid yihiin kuwa u xidhan argagixisanimada, ayaa dhagxaan ku weeraray ciidanka ilaalada xabsiga, waxaanay dhaawacyo gaadhsiiyeen saddex askari.
Markaas kadib waxa gudaha  Xabsiga Dhexe ee Hargeysa ka bilaabmay rasaas qaddar daqiiqado ah socotay oo ay ciidammadu si degdeg ah ugu ku xakameeyeen gadood qaybo ka mid ah maxaabiista jeelku sameeyeen.
Dhinaca kale, ciidammada booliska oo gurmad u tegay Xabsiga, ayaa xidhxidhay qaar ka mid ah wariyeyaasha ka hawlgala magaalada Hargeysa oo halkaas u tagay tabinta shaqaaqada ka dhacday gudaha Jeelka Weyn ee caasimadda Somaliland.