Wefti ka socda shirkadda shidaal-baadhista ee Genel Energy oo booqday Dekedda Berbera

Berbera-(Berberanews)-Wefti ka socda Shirkadda Shiidaal-baadhista ee Genel Energy, ayaa booqasho ku tegay Dekedda Berbera, waxaanay warbixin ka dhegaysteeen Maareeyaha Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi.

Maareeyee Siciid ayaa ka hadlay xubnaha shirkadda Gebel ee kulanka ay wada qaateen iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen.

“Waxa aannu ku soo dhoweynay Dekedda Caalamiga ee Berbera, wefti ka socda shirkadda caalamiga ah ee shidaal-qodista ee Genel Energy. Weftigan oo uu hoggaaminayey Madaxa Kaydka iyo Logistics-ka Shirkadda Genel Energy Mr Aleksander Richner.
Waxaannu xog-warran ka siinnay adeegyada kala duwan ee Dekedda Berbera bixiso.” Sidaa waxa  yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mr. Siciid Xasan oo weftiga qaabilay.