Wasiirka Arrimaha Debedda S/land oo Nairobi kula kulmay qaadhaan-bixiyayaasha

Nairobi-(Berberanews)-Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud  ayaa kulan kula qaatay  Magaaalada Nairobi ee dalka Kenya qaadhaan-bixiyayaasha iyo Saaxiibada Somaliland ee Caalamka.

Kulanka waxa lagaga arrinsaday doorka ay Saaxiibada Caalamka ee Somaliland ka qaadan karaan ka soo kabashada masiibadii Dabka ee Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.