MARKA DAMIIRKU KAA DHINTO ILAAHAY IYO AADMI MIDNA MA TAQAANID !!!

Waxa nasiib darro wayn ah in shaqaale ka tirsan Dawlada Hoose ee Hargeisa ay dumarkii danyarta ahaa ee hantidoodii ku luntay dabkii Suuqa Waaheen ee ay shirkada World Remit ku caawisay qadarka lacagta ah ay cashuur sharci darro ah ka qaadaan.

Dumarkan danyarta ah oo ay tiradoodu dhantahay 410 qof waxa deeq lacag ah oo dhan $161,700 gaadhsiisay Shirkada World Remit taas oo ay ugu talo gashay inay u noqoto raasamaalkii ka lumay.

Hadaba waxa la yaab noqotay in rag ka shaqeeya Dawlada Hoose ay dumarkii ku yidhaahdaan lacagta la idin siiyay ka bixiya cashuur ah $10 ilaa $40. Dad shaqaalaha DH ka mid ah ayaa sheegay arrintan waxana la qabqabtay qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay musuqan arxan la’anta ah. 

Falalka noocan ahi waxay muujinayaan sida dadka qaar damiirka iyo damqashadu uga dhimatay, waxan ku talin lahaa in dadka ay ku cadaato musuqani shaqada ay ku waayaan, kuwa soo sheegayna abaal marin la siiyo.

Way ku mahadsanyihiin Mayorka, ku xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee Golaha Deegaanka Caasimadu dadaalka ay wadaan, ilaahay ha ku guuleeyo. Hargeisa iyo dalkuba guud ahaan wuxu u baahanyahay in awooda cida haysaa aanay u adeegsan dhaca iyo musuqa xoolaha ummada, cidii ku kacdana waa bil Ramadaane ilaahay ha kashifo – aamiin dhaha! 

Somaliland Guul !!!
Twitter: @aadanweli

Waxa qoray Aqoonyahan
Aadanweli Ismaaciil