Jabuuti oo 1.6 milyan doollar ugu deeqday gurmadka taakuleynta Suuqa Waaheen

Jabuuti(berberanews)-Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Djibouti ugu deeqday taakulaynya gurmadka suuqa waaheen lacag dhan 1.6 Milyan dollar.

Safiir Cabdifatax oo ugu horayn fahfaahinaya hawlaha caawimada Jabuuti usoo dirtay Somaliland, iyo weliba hawlgalada dhaqaale ururineed ee socda, ayaa isagoo khadka Telefoonka ugu waramay Xogreebnews yidhi,
“Ugu horayn waxaan halkan uga mahad-celinayaa anigoo ka wakiil Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Shacabka Somaliland, Dawlada Jamhuuriyada Djabuuti, oo u ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar Geelle iyo Shacabkiisa, oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee lasoo xidhiidhay Madaxweyneheena markii ay masiibadda Dabku Haleeshay Suuqa Waaheen”.
Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxa uu sheegay in Xukumadda Jabuuti ay Arbacadii hore soo gaadhsiisay Somaliland Deeq lacageed oo dhan Hal-milyan oo Dollar, sidoo kalena waxay Xukumadda Madaxweyne Geelle Mar labaad Somaliland ugu soo deeqday xadi-lacageed oo dhan 580-shan boqol iyo Sideetan kun oo Dollar, waxana dhaqaalahan dambe loogu talo-galay in Raashin loo siiyo Dadkii Suuqa Waaheen ku Gubatay Hantidoodii.
Geesta kale, Safiir Cabdifatax waxa uu sheegay in Xukumadda Jabuuti ay weli sii waddo Dedaalo kale oo dhaqaale loogu ururinaayo Dadka walaalahood ah ee u ka Gubtay Xaruntii ganacsiga ee Waaheen. waxanu tilmaamay inay ay socdaan Shirar ay hoggaaminayaan Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka arrimaha gudaha, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo kulamo lagula yeelanayo Baananka Caalamiga ah ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti iyo Ganacsatada dalkaas.
Sidoo kale Dedaalada dhaqaale Ururineed ee Xukumadda Jabuuti ugu soo taba-rucayso gubashada suuqa Waaheen, ayaa waxa oloolle weyn ugu jiraa Warbaahinta Qaranka Jabuuti ee kala duwan, kuwasoo baahinayaa in bulshaddu  u gurmato walaalahooda ku caydhoobay Dabkii Suuqaa Waaheen ee CaasimadaJamhuuriyadaSomalilandee Hargeysa. Iyadoo Xukumadda Jabuuti iyo Safaarada Somaliland ee Jabuuti, ay sameeyeen Accouno ilaa Sadex Bank ah, oo u gaar ah gurmadka Dabkii Masiibada ahaa ee haleelay Suuqa Waaheen.
Magacyada Acounada Xukumadda Jabuuti ugu talo gashay caawimada Suuqa Waaheen.
1 East Africa Bank
2 CAC Bank
3 Salaama Bank.