Diyaaradaha Maraykanka oo tobabar joogto ah ka bilaabay hawada Somaliland

Berberanews(Berberanews)-Bloa Laurent oo jooga Djibouti ayaa waxa uu  sheegay in maalin kasta diyaaradaha Ciidamada Cirka Maraykanka ay dulmaraan hawada Somaliland.

Diyaarada Super- Hercules oo ah ” Aerial Refueling” ama Hawada Dhexdeeda diyaarad labaad ay ku siiso gaaska, ayaa tababarkeeda ku qaadata gudaha Somaliland.

Duulimaadyada diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay ku samaynayaan hawada Berbera ayaa waxa ay dhacdaa habeenkii ama maalintii, iyada oo duulimaadyada noocan ah aanay hore u jiri jirin.

Bloa Laurent waa khabiir Faransiis ah oo qaabilsan sharaxaada duulimaadyada diyaaradaha ay ku yimaadaan Afrika.