Mucjisada Qabiilka “Hunza” 150 sano ayuu Cimriga dadku gaadhaa

Qabiilka Hunza waa qabiil muslim ah oo ku nool xuduudka Pakistan iyo India u dhexeeya ee waadi lagu magacaabo (Wadi Al-Khaldin).

Cimri dheer bay jiraan, dumarkooduna waxay ku dhalaan da’da toddobaatan jirka, mana saameeyaan cudurrada faafa iyo xannuunadan xilligani, dadka qabiilku qiyaastii waa 920 kun oo qof.

Xubnaha qabiilku waxa ay raacaan hab-nololeed maalmeedkooda, waana sirta dhalinyaranimadooda joogtada ah, waxa ay cuntadoodu ku tiirsan yihiin khudaarta, midhaha iyo borotiinka sida caanaha, ukunta iyo subagga, halkaas oo ay cunaan waxa ay beeraan oo kaliya, waxay leeyihiin soon saddex bilood ah sannad kasta oo aanay waxba cunin.

Waxay si khaasa ugu Qubaystaan biyo qabow xitaa xilliyada ugu qabow ee sanadka iyada oo hawl maalmeedkooda ay ka mid tahay in ay lugeeyaan in ka badan 20 KM.

Dumarkoodu waxay ku raaxaystaan ​​caafimaad wanaagsan oo u oggolaanaya inay ku dhalaan da’da toddobaatan jirka sidii iyagoo labaatan jir ah oo ay leeyihiin maqaar sida ilmo yar, halka raggu ay yihiin kuwo xooggan oo leh dulqaad jidheed oo aan caadi ahayn.

Maqnaanshaha tignoolajiyada casriga ah ee qabiilkan ayaa ka dhigaysa dadaal adag oo jidheed oo lama huraan u ah sii wadida nolosha, maadaama aanay jirin dariiqa caajisnimada oo loo arko mid ka mid ah khataraha ugu badan ee khatarta ku ah caafimaadka wadnaha sidaa darteedna ay noolaadaan ilaa 150 sano.

Dadkan ayaa si lama filaan ah loo ogaaday sanadkii 1984-kii markii askari ka tirsan ciidamada amaanka ee garoonka diyaaradaha ee magaalada London uu joojiyay nin ku dhashay baasaboorkiisa 1932-kii isagoo 30 jir ah, muuqaalkiisuna uu ahaa soddon sano jir, taasoo naxdin ku noqotay ninkii ammaanka ahaa, markaas ayuu ninkii u sheegay. ku saabsan magaaladiisa (Honza) oo uu ka yimid meeshaas ayuu ka ogaaday !!

Bulshadan ayaa ku hadasha luqadda Brouschsky, waxaana la sheegay inay ka soo jeedaan mid ka mid ah ciidamadii ugu weynaa ee Alexandar oo lagu waayay qarnigii 4aad mid ka mid ah buuraha cidhiidhiga ah ee Himalaya.

Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago).