Dagaal xooggan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo  Itoobiya oo ka socda Gobolka Baay

Baydhabo – (Berberanews)-Dagaal culus oo u dhexeeya dagaallamyaasha Al-shabaab iyo millatariga Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa la sheegay inuu ilaa cawaysinkii caawa ka socdo degmada Diinsoor oo ku taalla Gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ku bilowday weerar madaafiic ah oo ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidanka Itoobiya ku leeyihiin Diinsoor, dabadeedna uu qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeya labada dhinac, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku dhaqan degmada Diinsoor.

Dagaalka ayaa la soo warinayaa inuu yahay mid xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxana la sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaadhay, walow aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.

Dadka degmada Diinsoor ayaa waxa soo food saartay cabsi xooggan oo la xidhiidha inuu dagaalku  ku faafo gudaha xaafadaha degmada Diinsoor.

Maalin ka hor ayey aheyd markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar madaafiic ah ku qadaeen saldhig ciidammada Itoobiya ku leeyihiin degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.