Baarlamaanka Pakistan oo doortay Ra’iisal-wasaare cusub

ISLAMABAD —(Berberanews)-Sharci-dejiyayaasha Golaha Baarlamaanka Pakistan, ayaa u doortay Shehbaz Sharif inuu noqdo Ra’iisal-wasaaraha cusub ee dalkaas, kadib markii xilka laga tuuray Imran Khan, kaas oo iska casilay kursigiisii Golaha Qaranka – isaga iyo inta badan xubnaha xisbigiisa – ka hor codayntii Baarlamaanka ee maanta.

Irman Khan ayaa xilka laga qaaday Axaddii, kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida ee Baarlamaanka, taas oo dhabbaha u xaadhay abuurista isbahaysi lama filaan ah oo hadda wajahaya caqabado la mid ah kuwii la degay Khan.

Ra’iisal-wasaaraha cusub Mr Sharif oo hoggaamiya xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N), ayaa ah musharraxa keliya ee codka loo qaaday, kadib markii wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Mr Shah Mahmood Qureshi oo daacad u ah Khan uu ka laabtay musharraxnimadiisa, iskana casilay kursigiisa.
“Waa guul u soo hoyatay wanaagga, xumaantana waa laga guuleystay,” ayuu yidhi Sharif oo la hadlay sharci-dejiyayaasha.
Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), ayaa 155 xildhibaan ku lahaa Baarlamaanka ka kooban 342-ka kursi ka hor intii aanay badankoodu is-casilin, waxana Shariif lagu doortay 174 cod.

Shaqada ugu horrreysa ee Ra’iisal-wasaare Sharif ayaa noqon doonta inuu soo dhiso gole wasiir ay xubno badan ka heli doonaan xisbiga siyaasadda midig-dhexe ee PPP iyo kan midigta ee Jamiat-ulema-e-Islam-F (JUI-F) oo xulufo la ah xisbigiisa.

Xisbiyada PPP iyo PML-N, ayaa sannado badan ahaa labada xisbi ee ugu awoodda badan Pakistan iyaga oo iska soo horjeeda, hase yeeshee isbaheysigooda cusub ayaa la filayaa inuu kala furmo ka hor doorashada xigta oo ay qasab tahay in la qabto ka hor October 2023.