Wasiirka Amniga Somalia: “Farmaajo waa nin jecel inuu dalka gacanta u geliyo Al-shababab”

Muqdisho  -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mr Cabdillaahi Maxamed Nuur, ayaa si toos ah ugu eedeeyey Madaxweynahooda Mr Maxamed Cabdillaahi Farmaajo inuu ka shaqaynayo sidii uu sifo sharci-darro ah ugu sii joogi lahaa Madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho.

Wasiir Nuur oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho maanta, waxa kaloo uu ku eedeeyey Farmaajo in sababta uu u difaacayo caydhinta Wakiilka Midowga Afrika ay tahay sidii uu isaga horkeeni lahaa shacabka Soomaaliya iyo ciidammada ATMIS.
“Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday sidiisaba waa nin aaminsan in uu dhex fadhiyo Madaxtooyada Soomaaliya, waa nin jeclaan lahaa hadii aannu sii joogi karin in uu dalka u gacanta u geliyo Al-shabaab. Farmaajo waxa uu ka shaqeynayaa sidii uu isaga horkeeni lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka nabad-ilaalinta dalka u jooga ee Midowga Afrika,” ayuu yidhi Wasiirka Amniga maamulka Muqdisho.

Waxa uu intaa ku daray in aanay marnaba dhici doonin in Danjire Francisco Madeira uu Muqdisho ka sii shaqeeyo, iyadoo la iska indhatirayo go’aankii xukuumadda Soomaaliya ku caydhisay.

Wasiirka Amniga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in laga badbaadi doono khatar uu sheegay inay ku soo wajahan tahay dalka Soomaaliya, haddii lagu guuleysto dhaarinta xildhibaannada cusub.

“Dalka Soomaaliya haddii ay suurtogasho oo xildhibaannada la doortay ay dhaartaan waxa aan aaminsanahay in 90% lagu guuleystay kala-guurka, haddii ay dhici waydo maalinta loo asteeyey oo ah 14ka bishan waxaan aaminsanahay in aan ku jirno khatar weyn, balse waxa aan ku rejo weynahay in aanay dhicin si dabinada looga hortago, dadkan aan waxba ka duwanayn ismiidaamiyaasha suunka isku soo xidha waxa aan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa in wadajir aan uga hortagnaa,” ayuu yidhi wasiir Nuur.

Tan iyo markii uu Ra’iisal-wasaare Rooble ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya aan looga baahnayn Wakiilka Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, isla markaana Madaxtooyada Soomaaliya si cad u difaacday Danjiraha dalka laga caydhiyey, waxa sii kordhay xiisadda ka dhalatay go’aanka lagu eryey diblomaasiga Midowga Afrika.