Madaxweynaha Somaliland oo babaal-marinno guddoonsiiyey arday kaalmaha sare ka halay Tartanka Qur’aanka

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaalmarinno qaali ah guddoonsiiyey afar arday oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan galabta.
Munaasibadda abaalmarinta oo lagu qabtay xarunta qasriga Madaxtooyada, isla markaana Madaxweynaha ku wehelinayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, taliyeyaasha ciidammada kala duwan, culimaa’udiin, ardayda abaalmarimaha qaadatay iyo guddida culimada ee tartanka qabatay, ayaa abaalmarinaha ay mutaysteen lagu guddoonsiiyey afarta arday ee sannadkan ugu sarreeyey tartanka heer gobol ee Qur’aanka kariimka.


Tartankan sannadlah ah, ayaa waxa sannadkan kaalmaha ugu sarreeya ku guulaystay arday ka kala socota gobollada Maroodi-jeex iyo Sool, kuwaas oo abaalmarinno kala duwan oo qaali ah la guddoonsiiyey kaalinta koowaad ee tartanka bisha Ramadaan ee Qur’aanka kariimka ah waxa ku guulaystay Mukhtaar Cabdisamad Maxamed oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex, kaas oo ku guulaystay baabuur cusub iyo hadyado kale oo muhiim ah, kaalinta labaadna waxa ku guulaystay Cabdillaahi Maxamed Xasan oo isla Gobolka Maroodi-jeex ka socday, kaasoo la guddoonsiiyey abaalmarin lacageed oo dhan $1,500, (Kun iyo shan boqol) oo doollar, Mobile iyo Computor Laptop ah, halka kaalinta saddexaadna uu ku guulaystay, Maxamed Cawil Yuusuf oo Gobolka Sool ka socday, kaas oo la guddoonsiiyey lacag dhan $1,000 (Kun) dollar, Mobile iyo computer Laptop ah, iyada oo kaalinta ugu dambaysa ee afraadna uu ku guulaystay Cabdirisaaq Maxamed Cawil oo Gobolka Sool ka socday, kaas oo la guddoonsiiyey abaalmarin lacageed oo dhan $500 (Shan boqol) oo dollar.
Sheekh Xasan Muxumed Cumar (Jaabir) oo ku hadlay magaca guddida culimada ah ee tartanka qabatay oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ardayda guulaysatay, isagoo madaxweynaha ku hambalyeeyey kaalinta muhiimka ah ee ka qaatay dhiirrigelinta kaalmaha kalaamka Eebbe.
Sheekh Axmed Macallim Ibraahim oo ku hadlay magaca mu’sasadda Aflax, ayaa guul wax weyn ka taraysa dhiirrigelinta dhallinyarada Qur’aanka barta ku tilmaamay Abaalmarimaha qaaliga ah ee uu sida sannadlaha ah madaxweynuhu u bixiyo.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa isaguna hambalyeeyey ardayda ku guulaysatay tartanka Qur’aanka kariimka ah, waxaannu kula dardaarmay inay sii wadaan dedaalkooda barashada diinta iyo kitaabka Eebbe.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horreyn si kal iyo laab ah u bogaadiyey ardayda da’ada yar ee ku guulaysatay tartanka Qur’aanka kariimka ah, waxana u duceeyey macallimiintooda iyo waalidiinta ku tacabtay oo uu u rajeeyey guul waarta oo if iyo aakhiroba ah.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa farriin dhiirrigelin ah u diray cid kasta oo ku hawllan barashada Qur’aanka kariimka ah, kuna dhaqmaysa, waxaannu yidhi, “Waxannu dhiirrigelinaynayaa cid kasta oo Qur’aanka baranayna oo fahmaysa macnihiisa, ku dhaqmaysa oo aan si qalad ah u turjumaynin, Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu Diinteenna innagu sugo.”
Ugu dambayn, waxa uu madaxweynuhu halkaas abaalmarihii ay mutaysteen ku guddoonsiiyey afarta arday ee tartanka heer gobol ee bisha barakaysan ee Ramadaan ku guulaystay, isaga oo sidoo kalena shahaado lagu sharfayo guddoonsiiyey culimada garsooreyaasha ka ahaa tartanka.