Wasaaradda Amniga Somalia oo amartay in Danjire Madeira aannu dalka soo geli karin + Midowga Afrika oo ka horyimi

Muqdisho  -(Berberanews)-Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya, ayaa fartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda in ay “kala laabato waraaqaha dal-ku joogga, kuna wargeliso Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, dib dambena looma siin karo waraaqaha dal-ku-galka,” sida lagu yidhi qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga galabta.
Warqadda amarka ah oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdillaahi Maxamed Nuur, ayaa sidoo kale lagu faray Agaasimaha Hay’adda Socdaalka inuu ku wargeliyo dhammaan dhinacyada ay khusayso in dalka aan la keeni karin Danjire Madeira, iyadoo loo cuskaday amarkan go’aankii Khamiistii ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha ee lagu sheegay in Danjire Madiera loo aqoonsaday qof aan laga rabin Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasaaradda Amniga ayaa fartay dhammaan hay’adaha ammaanka in aannu Danjire Madeira dalka soo geli karin “maadaama uu yahay qof aan laga rabin dalka.”
Dhanka kale, Wasiirka Amniga ayaa warqaddan ku sheegay in dawladdu si kumeel gaadh ah u xidhay “dhammaan hawlihii terminaalka MOVCOM” ee Madaarka Muqdisho ilaa amar dambe.
Go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya, ayaa yimi saacado kadib markii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat uu qoraal uu soo saaray kaga horyimi go’aankii uu dhowaan Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya ka soo saaray “maqaamka” Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira.
Guddoomiyaha ayaa soo dhoweeyey qaraarkii Madaxweyne Farmaajo kaga horyimi in dalka laga caydhiyo Danjire Madeira, uuna ku sheegay in uu sii wadayo wadashaqeynta danjiraha.
Mousa Faki ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo Danjire Francisco Caetano Madeira.