“Waa Xaaraan In Xisbi Siyaasadeed ay Shacabka Lacag Siiyaan” Garyaqaan Dafac

Waxa aan marar badan arkay iyada oo xisbiyada lagu canaanayo in aanay qaadhaan ku darsan dhib dhacday iyo iyaga oo laftoodu wax bixinaya. Waxa xaaraan ah in xisbi siyaasadeed shacabka hanti siiyo. Waa laaluush. Waa waxyaabaha caadiga laga dhigtay Somaliland, balse ay ahayd in aanay dhicin. Xisbigu waa samayn karaa hay’ad samafal oo diiwaangashan oo taageerayaashiisa deeq ka ururisa iyada oo lagu maamulayo xeerarka dalka si looga ilaaliyo in wax is waydaarsi dhaco.

Waxa la mid ah in xildhibaannadu ay lacag ururiyaan oo dabadeed bixiyaan. Iyana waa qalad  kale oo wayn. Xildhabaanku waa taageeri kara urur ama cid lacag ururinaysa, balse isagu maaha inuu faraha la galo.

Hay’adaha sharciga fuliya way ku qabsan karaan xisbi ama xildhibaanka gala lacag ururinta aan ahayn mid olole siyaasadeed. Waxa aan qabaa in faldembiyeed ka dhalan karo.