Somaliland oo ka mid noqotay 12 waddan oo Ethiopia uga furmay tartanka teackwondo

Addis Ababa-(Berberanews)-Somaliland ayaa  kamid noqotay 12-dal oo Afrikan ah kuwaaso loo qabtay tartanka ciyaarta loo yaqaan teackwondo, (Laacdanka lugaha).

Tartanka oo Addis Ababa lagu qabtay ayaa waxa goobjoog ka ahaa Xidhiidhka Teackwondo-ga ee Adduunka 12-ka Waddan ee Afrikan ka ah ee ka qayb galayaa Tartankaasi ayaa kala:-

1. Rwanda.
2. Republic of Congo.
3. Ivory Coast.
4. Mozambique .
5. Kenya.
6. Djibouti .
7. Ethiopia .
8. Somaliland.
9. Burundi .
10. Tanzania .
11. Uganda .
12. Madagascar.

Tartankan waxa Jamhuuriyadda Somaliland uga qayb galay oo ku mataalayay Mustafe Cabdi Aadan oo ah Gudoomiyaha ururka ciyaaraha Laacdanka lugaha ee Somaliland sidoo kale ah Macalinkii ugu horeeyay ee Somaliland ka bilaabay Tababarada Ciyaarahan Laacdanka lugaha.