DHICISKU INTA BIRTA LOOSOO SIDO AYUU BAKHTIYAA. 

 Maanta oo ah Sabti 09-04-2022 waa Sagaal habeen-Guuradii Habeenkii uu Dabku qabsaday Suuqii ugu weynaa Jamhuuriyada Somaliland ee Waaheen ee kuyaalay Caasimada Hargeysa, Masiibadaa oo dhacday Habeenkii Jimcaha ee 01-04-2022, welina suuqii Waaheen sidii uu u shufbeelay ayuu gubnood iyo danbas isku dul rasaysan yahay maalinta maalinteedii xiktay, Shacabkii ganacsatada Suuqa Waaheen iyaga oo badankoodu waxba gacanta ku hayn ayey samir isku dayreen, halka waxna Toggii Herer ama Dooxii Hargeysa guudkiisii biriishka iyo gudihiisii ay dhex yuururaan oo ku qanceen qadarka ilaahay oo Cidna aanay marinahayn Cataw iyo caloolyow ama ka calaacalahayn masiibadii ku habsatay oo qader eebe ku dhaafeen iyagoo cawil San guule ka naawilaaya. Waxa se qaadan waa’ ah siday odhaahaha ama hadalka siyaasiyiintu durba isku badaleen iyaga oo Hadalo xanaf leh iyo faan aan haboonayn amintan hawada isku marinayaa, goor shacabkii tiiraanyo hayso oo ay tabaalaysan yihiin Illaahay Cawil khayr qaba dhakhso hawsiiyee. Hadaba 

Somaliland waa Qaran mid ah hase yeeshee leh golayaal si Dumuqraadiyad ah loosoo doortay oo gole walba uu qaranka u hayo Hawl mihiim ah oo dastuuri ah iyaga oo hoosta ka wada xidhiidhsan oo hawlo qaran Mid ahi leeyahayna kuwada feegan, ayey hadana qayba loo daba fadhiistaa Hawl gaar ah, sidda Dawlada Dhexe, Dawlada Hoose, Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Guurtida, taas oo ay dheer yihiin maamulka madaxda dhaqanka iyo Culimada Diinta oo iyana howlo mug iyo miisaan leh shacabka u qabta, sikastaba ha ahaatee Waxa layidhi “Geeljire Geela wuu wada jiraa wuuna kala Jiraa” suuqan inaga gubtay iyo habayntiisa iyo kawarhayntiisa waxa u xil saarnaa Dawlada Hoose ama Golaha deegaanka waayo halka dawlada dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland loogu doortay ee loogu codeeyey si dumuqraadi ah madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Golaha deegaanka Hargeysa iyo dhamaan Degmooyinka Dalka loo doortay si Dimuqraadiyad ah Xildhibaanada golayaasha deegaanka ee Degmooyinka Somaliland oo idil, waynu dareemi karnaa oo Dal ictiraaf haysta ma nihin sidoo kale dhaqdhaqaaqa ganacsi ama waxa ay shacabka Somaliland nolasha ka raadsadaan ama u shaqo taagan in ka badan 80% waa shirkado iyo ganacsi gaar looleeyey oo kuma tiirsana dawlada dhexe, iyada oo taasi jirto hadana waxaynu nahay qaran isku wada tiirsan oo meel u wada jeeda sidaa aawadeed waxa dhici karta in duruufaha Dalka ku gadaaman awgeed iyada oo xumaani jirin hawsha la damco in lakala boobo se si Xeegona u noqoto Xeego ilkana u nabad galaan ayaa falawgeed la qabtaa sidaa aawadeed inaga oo wax wada qabsanayna ayaa haboon inaynu is maamuusno isna aamino haykalka dowladeenana qadarino, laakiin Hadii Duqa MAGAALO iyo Xubnaha Xildhibaanada Dawlada Hoose oo loosoo doortay tabta madaxweynaha in lagu laaqo ama badhxo xubno ayna isku martabad iyo Hawl wadaag ahayn oo weliba horjooge looga dhigo ruux aan cod shacab mansabka uu fadhiyo ku taabin, lahayna mudo xileed cayiman oo la igmaday, way haboontahay in aynu gacmaha is qabsano oo muujinaa midnimo, hase yeeshee Hawl marka Cid loo igmanaayo waa marka aanay jirin Cid hawsha qabata laakiin Hargeysi Golo deegaan si Dumuqraadiyad ah loosoo doortay oo isku duuban oo firfircoon Illaahay hawada xafidee ayaa u jooga oo heegan u ah se hadii xaalku yahay gacan qaran nin doonow gacaantaadu hasocoto ayeynu wax ku wada qabsanaynaa wax xun maahaa laakiin Dadku Siday iskugu xidhmaan in layskugu xidho ayaa hadana haboon, se hadii ruuxii adhiga lagaga Quustay la yidhaa Geela haloo diro waa lug-gooyo ee maaha wax istar iyo wax wada qabad, Takale suuqa waaheen Dib u dhiskiisa wadooyin cayiman ayuu u baahan yahay oo Saddex gaadhi oo keli ahi adeegsadaan 1, Gaadhiga Dab-Demiska, ee Illaahay kuma keenee dabka bakhtiiya, 2, Dhooliga ruuxii ildarnaada dhakhtarka kula roora, 3, Gaadhiga ganacsatada shixmada u rogaaya ama u qaadaya, waxaan Saddex daa gaadiid ahayn waa in ay suuqa ka caaganaadaan, oo socod kaliya lagu dhex mushaaxaa siddaa aawadeed jidadkaa cayiman haduu suuqa waaheen u baahan yahay iima muuqato in ismaan dhaaf uu dhex imankaro wasaarada howlaha guud iyo dawlada hoose ee Hargeysa ee shaydaanka iska naara waa bishii barakaysnayde walaalayaal. 

Hadal iyo dhamaan Waxaan Madaxweynaha Qaranka Somaliland ka dalbanayaa oo leeyahay, Mudane Madaxweyne gacmo aan dufan lahayni waxba ma duugi karaan siddaa aawadeed Dawlada Hoose ee Hargeysa shacabka tabaaleesan wax hawqabtaan oo meel hageeyaan si aanay dhibtii gaadhay dhibkale ugu darsamin waayo waa xilli roobaadkii oo Dooxu wuu kusoo rogmanaaya biriishkuna wuu liqliqanayaa ee Bal HAL MILYANKII DOOLLAR ee aad ku yaboohday Mudane Madaxweyne Muusow Dowladda Hoose ee Hargeysa dhakhso ugu Shub adigoo Mudane Mahadsan, DHICISKU INTA BIRTA LOOSOO SIDUU BAKHTIYAAYE. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com