Weerar ka dhacay Israel oo sababy Khasaare dhimasho iyo dhaawac

Israel-(Berberanews)-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen toogashooyin xidhiidh ah oo ka dhacay badhtamaha Tel Aviv Khamiistii.

Saacado ka dib toogashada, ayaa laga shakiyay dableydii weerarka geysatay. Boqolaal ka mid ah saraakiisha booliiska Israa’iil, cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran, iyo ciidamada gaarka ah ayaa hawlgal ballaadhan ka waday badhtamaha Tel Aviv, iyaga oo baadhayay dhismayaal xaafadaha dadku ku badan yihiin.

Amichai Eshed, oo ah taliyaha booliiska Tel Aviv, ayaa sheegay in ninka toogashada geystay uu rasaas ku furay baadh ay dadku ku badnaayeen abaaro 9-kii fiidnimo (18:00 GMT) ka dibna uu goobta ka baxsaday.

“Malahayaga shaqadu waa inuu weli ku sugan yahay agagaarka,” Eshed ayaa u sheegay suxufiyiinta. “Imika hadda, waxaa jira calaamado tilmaamaya in tani ay tahay weerar argagixisanimo, laakiin waa inaan aad uga taxaddaraa arrintan oo aan sheego inaan sidoo kale hubineyno hoggaamiyeyaasha kale.” Muuqaal toos ah oo laga soo qaaday taleefishinka Kan ee Israa’iil ayaa muujinayay booliska oo ku soo qulqulaya aagga oo qoryahooda sita dabaqa sare ee dhismaha.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ee Magen David Adom ayaa sheegay in ay heleen warbixinno ku saabsan toogasho ka dhacday “goobo dhowr ah” oo ku yaalla agagaarka badhtamaha magaalada Tel Aviv.

Ugu yaraan hal weerar ayaa ka dhacay Waddada Dizengoff, oo ah waddo badhyamaha ah iyo goob caan ah oo usbuuca dhamaadkiisa ah.

Laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa markii dambe dhintay, The Times of Israel ayaa werisay, iyadoo soo xiganaysa mas’uuliyiinta xarunta caafimaadka ee Ichilov. Cisbitaalku waxa uu daweynayay sideed kale – kuwaas oo afar ka mif ahi“xaalad halis ah” ku jiray oo qaliin lagu sameeyay.