Ruushka oo laga saaray Hay’adda Xuquuqal-insaanka adduunka

Washington-(Berberanews)-Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa khamiistii u codeeyay in Ruushka laga joojiyo hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadanka, sababo la xidhiidha eedaymo sheegaya in askarta Ruushka ee ku sugan Ukraine ay ku kaceen xad-gudubyo dhinaca xuquuqda ah oo ay Maraykanka iyo Ukraine ku tilmaameen dembiyo dagaal.

Waxay ahayd naadir, oo ka dhan ah mid ka mid ah shanta xubnood ee codka diidmada qayaxan ku haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Safiirka Maraykanka Linda Thomas-Greenfield ayaa ugu yeedhay codbixinta “waqti taariikhi ah,” iyada oo u sheegtay golaha: “Waxaan si wadajir ah u dirnay fariin adag oo ah in dhibanayaasha iyo kuwa badbaaday aan la iska indho tiri doonin” , cadaalad darro, iyo dagaal aan laga fiirsan.”

Thomas-Greenfield ayaa bilaabay ololaha uu Ruushka uga joojinayo golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, kadib muuqaalo iyo sawirro muujinaya waddooyinka magaalada Bucha ee duleedka caasimadda Kyiv oo daadsan meydadka dad rayid ah, kadib markii askarta Ruushka ay dib u gurteen.

Dhimashadan ayaa dhalisay caro caalami ah oo ku baaqaya in cunaqabatayn adag la saaro Ruushka, kaas oo si adag u diiday in ciidamadoodu ay masuul ka yihiin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in codeynta ay muujineyso sida dagaalka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu “Ruushka uga dhigay mid caalami ah”. Waxa uu ballan qaaday in uu sii wadi doono la shaqaynta wadamada kale si loo ururiyo caddaymaha si loola xisaabtamo Ruushka, loona kordhiyo cadaadiska dhaqaalihiisa iyo go’doominta masraxa caalamiga ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com