Mucjisooyinka Suuqa Waaheen ha lagu cirbo qaato

WQ: Xuseen Cali Nuur
Musiibada ku dhacday suuqa Waaheen ee saameysay ganacstada heerarka kala duwan  waa qadar illlaahay, waxaanan Ilaahay uga baryeynaa inuu cawil khayr qaba uu ugu beddelo.
Illaaha wayn ayaa mahadda iska leh naga dhigay umad muslim ah dadkeenana garansiiyey in masiibada ku dhacday qadar Eebe tahay.

Masiibadani waxay muujisay in shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin, u damqanayaan walaalohooda, diyaarna u yihiin si toos ah iyo si dadban inay ka qaybqaataan ka soo kabashada khasaaraha ku dhacay ganacsatada.
Gubashada suuqa Waaheen oo dhacday xilli gurmad biyo iyo baad loogu jiro, lana gaadhsiinayo gobolada Abaarta baahsani ku dhacday. Sidoo kalena, si siman wax loo gaadhsiinayey dadka iyo xoolohooda ka yimid Soomaaliya iyo degaanka Soomaalida Itoobiya.

If iyo Aakhiro samafalka la sameeyo laguma khasaaro. Waxaana u daliil ah gurmadka dab-damis ee degaanka Soomaalida Itoobiya, oo isla habeennimadiiba Hargeysa soo gaadhay. Sidoo kalena, waftiga heer wasiir ee dawlada federalka Itoobiya oo si uu innoo tacsiyadeeyo u yimid magaalada Hargeysa.
Waa laga soo kaban doonaa sidii burburkii dalka uu u gaystay taliskii kalidii taliyihii Soomaaliya.Waxa se loo baahan yahay in wax laga barto waayo-aragnimana laga korodhsado la iskana ilaaliyo sababaha keenay masiibadan.

Dagaalkii Yukrayn wuxuu dunida ku soo kordhiyey sicir-barar shidaal iyo baahiyaha aasaasiga ah. Waxaana laga baqayaa haddii aan xal degdeg ah loo helin in dal kastaa wax soo saarkiisa uu mudnaanta siiyo badbaadada shacbigiisa.

Waxay ila tahay, dib u dhiska iyo gacan qabashada suuqa Waaheen:
• In mudnaanta la siiyo sidii dalku u soo saari lahaa baahiyaha dalka ee aasaasiga ahaa, isla mar ahaantaana ku tiirsashaha wax soo waaridada  hoos loo dhigo.
• In Jaamacadaha dalka maadooyinka ay dhigaan lagu soo kordhiyo ama la xoojiyo kuwa saamayn ku lahaan kara ka faa’iidaysiga khayraadka dalka (waxaan xasuustay Alle ha u naxariistee gabyaagii waynaa ee reer Somaliland lixdamaadkii qarnigii hore markii xornimada la qaatay ereyadii uu yidhi oo ay ka mid ahaayeen – dunida ma joogto dawlad wada karaani ah)
• In xaalufinta deegaanka si wayn loola dagaalamo, sharci adagna laga soo saaro maadama dadka ka qayb galaa loo qaadan karo inay yihiin cadow ka soo horjeeda ilaha dhaqaale ee dalka gu wayn oo ah xoolaha.

Waxaan leeyahay waxa loo baahan yahay in la ogaado:

In la ogaado sababaha saddex dhismo oo dabku dhinac kasta ka maray waxa Illaahay uga badbaadiyey dabkii waynaa ee suuqa Waaheen ku shuf belay.
In masiibadan waxay ka dhalatay suxufiyiinta iyo qorayaashu daraasad ku sameeyaan, wax ka qoraan shacbigana u soo bandhigaan.
In la ogaado Jamhuuriyadda Somaliland tahay qaran bangiyadeeda leh, oo lacagta la dhigan karo, laguna aamini karo. Isla mar ahaantaana dhaqanka bangiyadeenu uu ka duwan yahay bangigii Jamhuuriyadda dibmuqraadiga Somaliya, sannado dhawr ah ka hor intaanay burburin.

(Waxa noogu filan cibro saddexda dhisme ee Illaahay dabka ka badbaadiyey ee aan indheheena ku aragnay ama ka daawanay shaashadaha Tvyada iyo baraha bulshada.