Maxkamadda sare ee Pakistan oo laashay Go’aankii lagu kala diray Baarlamaanka

Pakistan-(Berberanews)-Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa sheegtay in tallaabadii uu ra’iisul wasaare Imran Khan ku kala diray baarlamaanka ay ahayd sharci-darro, waxayna amartay in dib loo soo celiyo aqalka.

Go’aankan oo dhacay Khamiistii ayaa yimid ka dib afar maalmood oo dhageysi ay socotay maxkamadda sare.

Khan ayaa hadda wajihi doona kalsooni kala noqoshada sharci-dejiyeyaasha oo uu isku dayay in uu dhinac ka istaago.

Goluhu waxay u badan tahay inay isugu yimaadaan si ay u codeeyaan Sabtida.
Qalalaase siyaasadeed oo weyn ayaa ka dhashay markii Khan iyo xulafadiisa ay fashiliyeen mooshinkii xildhibaanada mucaaradka ah oo u muuqday kuwo la hubo inay isaga ka xayuubin karaan xilka.

Talaabadan “waxaa lagu caddeeyey inay tahay mid ka hor imanaysa dastuurka oo aan wax sharci ah ku fadhiyin oo dhinac la iska dhigay” ayay maxkamaddu xukuntay.

Khan ayaa kala diray baarlamaanka Axadii, wuxuuna dajiyay doorashada xilligeeda kasoo horaysa ka dib markii uu mucaaradka ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin “shirqool shisheeye” oo lagu doonayo in xilka looga qaado.

Mucaaridkiisa ayaa helay 172 cod oo loo baahnaa si xilka looga tuuro 342-kursi ka dib markii xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa iyo isbahaysigii muhiimka ahaa ay goosteen. Laakiin guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, oo xubin ka ah xisbiga Khan, ayaa tuuray mooshinkii kalsooni kala noqoshada.

Mucaaradka ayaa ku andacoonaya in Khan uu ku xad-gudbay dastuurka oo uu kiiskeeda u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka.