Wasaarada Hawlaha guud oo sheegtay in ay samaynayso Nashqadaynta Suuqa Waaheen.

Hargeysa-(Berberanews)-Shir  Maanta uu Shir Guddoominayey Wasiirka Wasaarada Hawlaha iyo Guriyaynta Somaliland Guud Cabdilaahi Abokor Cismaan oo la Iskugu yeedhay Dhamaan Haldoorka Injineeradda Dalka Ayey Wasaaradu Kusoo Bandhigtay Qabyo Qoraalka Habraaca Tayadda Iyo Badqabka Dhismayaasha.

Shirkan waxa ka soo qeybgalay dhamaan hal-dorka Injineeradda Dalka Somaliland iyadoo ay shirkan Wasiirka ku wehelinayeen Injineero ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta  oo uu hogaaminayo Eng. Xamse Cadaroosh oo ah Khabiir ka Tirsan Wasaaradda ee soo diyaariyey Xeerka. Iyo Gudoomiyaha Gudida Hawlaha Guud Ee Golaha Wakiiladda Xildhibaan Xirsi C/laahi Xirsi Odowaa.

Shirka ayaa la iskula qaatay ina Wasaaradda Hawlaha Guud. Dhulka Iyo Guryeyntu dadajiso dhameytirka habraac badqabka dhismaha iyo sidii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Qorshe iyo Naqshad ugu sameyn lahayd dhamaan Suuqyadda Dalka, si looga gaashaanto inay markale soo nqooto masiibadii haleeshay Suuqii Waaheen.

Shirkan ayaa la iskula qaatay in Qorshaha Iyo Naqshadda ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta usameyn doonto Dhamaan Suuqyada Dalka ay ugu horeysiin doonto Suuqa Waaheen iyo Gobanimo ee Magaaladda Hargeysa, kadibna ku xigsiin doonto Suuqyada Magaalooyinka Wajaale, Boorama, Burco, Laascaanood, Gabilay iyo Ceerigaabo.

Ugu daneyn waxa Shirkan la iskula qaatay in la dadajiyo dhameytirka Xeerka Dhismayaasha Qaranka ‘’Building Code’’ oo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta ay gacanta ku hayso Xeerkan