Berbera iyadaa dhacan

Hadii aynu eegno arimaha maalmahan taagnaa xeer 12/23 xeerka midaynta cashuuraha degmooyinka iyo Gobolada dalka waxaa uu Berbera kasoo qaaday mid aan ka xuquuq la ahayn degmooyinka kale maxaan sidaa uleeyahay ,

degmo kasta oo kamid ah Somaliland qayb ayey ku leedahay miisaniyada guud ee dalka sanad kasta oo dawlada dhex ku celisaa tusaale ahaan Gobolada beri ee dalka waxaa miisaaniyad qaranka ugu jira 2% loogu yeedho horumarinta Gobolada beri ee dalka dakhligaasi waxaa uu si toosa uga go,aa isugaynta wadarka guud ee miisaaniyada qaranka oo sanadka ahayd 3tiriilyan dheeraad .

Halka Berberana ay 10% ka qaadato wixii kasoo baxa kastamka Berbera taasi oo macnageedu noqonayo Berbera dakhligeedu waxaa ku xidhan yahay hadba sida dhakhligu uga soo boxo kastamka Berbera , oo ay Berbera yeelanayso 10% dakhliguud ee kastamka kasoo baxa halka Goboladu ay miisaniyada qaranka oo Berbera kujirto ay qaadtan 2%

Sidaa awgeed marwalba Berbera waxaa ka badan 2% sida tooska ah uga go,aya dhaqaalaha guud ee wadanka ee lagu caawiyo degmooyinka beri ee dalka halka Berbera ay 10% goosato wixii kastamka Berbera kasoo baxa oo noqonaysa qayb hoose oo kamid ah miisaaniyada guud dalka maadama ay jiraan goobo kale oo dhaqaalaha wadanku kasoo baxo sida Kala-baydh , Saylac , Hargeysa, iyo Burco iyo kastamyo kooban oo kuyaala gobolada dalka .

Gobolada Beri waxay qaataan lacago laga soo ururiyo goobaha dakhli soo saar ee wadanka oo dhan oo noqota miisaaniyad sanadeed halka Berbera kastam lagu xidhay iyo hadba wixii uga soo baxa .

2% Gobolada Beri markasta uu ka badan yahay lacagta Berbera kastamka ka qaadato hadii laysku qaybiyo 2% ka go,ay lacagta guud ee wadanka iyo 10% ka go,ay kastam Berbera kaliya  oo miisaaniyad ber-heedh ka noqonaysa ama madax hoosaad, waxaa cadaanaysa inay Berbera xaqeeda halidoonto .

Berbera iyadaa xaq ka maqan yahay.
By Mukhtar A.Eshqiyasak