Afhayeenka KULMIYE: “Cabdiraxmaan Cirro waxan leenahay, qaranka JSL waa mid ee ha u kala abtirin..”

Hargeysa  -(Berberanews)-Afhayeenka xisbiga talada Jamhuuriyadda Somaliland haya ee KULMIYE Mr Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa murrashaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Cirro uga digay kala qaybinta iyo u kala abtirinta uu ku hayo shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee ay ku habsatay masiibadii suuqa Waaheen iyo tashuushka ugu furayo dedaallada xukuumadda, beesha caalamka iyo shacabka oo gacmaha is haystaa ugu gurmanayaan dhibaatada dhacday.
Afhayeen Buuni oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweynuhu ay shaqo baaxad leh ka qabteen masiibada dhacday, una hagar baxeen sidii masiibadaas qaran looga soo kaban lahaa, dadkii ku waxyeelloobayna qaranku dedaal ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen goobo ay ganacsigoodii dib uga bilaabaan.
Afhayeenku waxa uu eedo culus oo la xidhiidha inuu bulshada midaysan kala qoqobayo u jeediyey murrashaxa xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Cirro, waxaannu ugu baaqay inuu ka waantoobo u kala abtirinta shacabka dabku dhaqaalahoodii baabi’iyey ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa, “Waxaannu kuu soo jeedinaynaa masiibadaas dhacday ma aha mid maanta wax laga baadhbaadho oo eedo laga soo jeediyo, adigana kufkaaga ma aha, iyada oo kumannaan shalay qani ahaa ay maanta fuqaro yihiin inaad shacabka  midaysan u kala abtirisaa meesha may oollin, mana qabato, Somaliland-na gees ilaa gees baad mustaqbal ka rabtaaye ma aha inaad kiiloo-mitirro kooban oo caasimadda ku yaalla oo masiibo ku dhacday aad kala qaad-qaaddo,” ayuu yidhi Buuni.
Afhayeenka KULMIYE waxa uu meesha ka saaray in wax siyaasad la xidhiidha la geliyey masiibadii ka dhacday suuqa, waxana uu caddeeyey in dhammaan qaybaha kala duwan ee qaranku ka kooban yahay iyo shacabkuba u midaysan yihiin sidii dhibaatadaas looga soo kaban lahaa, isaga oo uga digay inuu sii kala qaad-qaado bulshada dhibtu ku habsatay ee tiiraanyadu ku dhacday.
Ugu dambayn, waxa uu Afhayeenka KULMIYE u mahadnaqay cid kasta oo tiiraanyada la qaybsatay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxda dareenkooda walaaltinimo muujiyey, isaga oo xisbiga WADDANI ugu baaqay inay masiibada qaybtooda ka qaataan, meeshana ka saaraan nashuushadaynta iyo naxliga ay bulshada dhegahooda ku dhego barjaynayaan.