Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay lacagta Soomaaliya soo dirtay

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Mr Hassan Gaafaadhi, ayaa sheegay in lacag ah $21,700,000 ay Baanka Adduunku ku caawiyeen Somaliland, laakiin ay haysteen dawladda Muqdisho, sidoo kale, maamulka Farmaajo ay ka haysteen Somaliland lacag dhan $11, 000,000.

Wasiir Gaafaadhi waxa uu sheegay in ay taagan yihiin go’aankii hore ee ahaa in lacagta ay toos u siiso hay’adaha markii hore bixiyey, haseyeeshee aanay qaadan doonin lacag kasta oo soo marta dhinaca Muqdisho.

Waa go’aan fiican, laakiin shacabku waxay doonayaan in ay maqlaan caddayn dheeraad ah, waxana looga baahan yahay Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi iyo Wasaaradda Warfaafinta in ay iska difaacaan borobogaandada Soomaaliya, iyaga oo furaya channel u dhexeeya dawladda iyo shacabka.

Channelka kaliya ee u furan shacabka Somaliland ayaa hadda ah borobogaandada Muqdisho.