Somaliland oo si adag uga Jawaabtay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti

Hargeysa -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa Twitter ka ku daabacay Wasiirka Maaliyadda ee dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale, kaas uu ku sheegayey in saddexda wasiir Maaliyadeed ee Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka wada shaqaynayaan sidii muwaacimo deg dega loogu raadin lahaa suuqa dhowaan shuf beelay ee Waaheen.
Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in Somaliland mar horeba la xidiidhay cid kasta oo gacan ka geysan karta aafada suuqa Waaheen.
Wasiirka Ciise Kayd ayaa wasiirrada isxilqaamay ku boorriyey in ay ixtiramaan madaxbannaanida iyo dawladnimada Somaliland. Taas oo ka dhigan in aanay qaadhaan u raadin karin ee Somaliland loo daayo hawlaheeda.