Madaxweynaha Somaliland oo baaq caalamiya u diray Beeshe Caalamka.

Hargeysa-06-04-2022-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo uu ku saxeexan yahay looguna talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa weyn ee Waaheen, baaqaas oo ku socda beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta heer qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen.

Suuqan Waaheen ee ay dhawaan ka qaraxday Masiibadii dabku ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan Somaliland, isla markaana xuddun u ahaa dhammaan wax kala beddelashada lacagaha qalaad ama ganacsi ee u adeegi jiray guud ahaan dalka Somaliland iyo inta badan dalalka jaarka.

Halkan Ka Akhriso Sida Uu U dhigan Yahay Baaqaasi iyo nuxurka uu xambaarsan yahay:-