Ethiopia: Warbixinta Xadgudubyo isir-sifayn ah oo ka dhacay Gobolka Tigray

Eithopia-(Berberanews)-Laba urur oo hormuud u ah xuquuqul insaanka ayaa Arbacadii ku eedeeyay ciidamada hubaysan ee ka soo jeeda gobolka Axmaarada ee Itoobiya inay wadeen olole isir sifayn ah oo ka dhan ah qawmiyadda Tigrayga intii uu socday dagaal ay ku dhinteen kumannaan rayid ah, kuna barakaceen in ka badan hal milyan.

Amnesty International iyo Human Rights Watch (HRW) ayaa warbixin ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegay in xadgudubyada ay geysteen saraakiisha Amxaarada iyo ciidamada gaarka ah ee gobolka iyo maleeshiyaadkii dagaalku ka dhacay galbeedka Tigray ay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen militariga Itoobiya inay ku lug leeyihiin falalkaas. “Laga soo bilaabo Novembar 2020, saraakiisha Amxaarada iyo ciidamada ammaanku waxay ku hawlanaayeen olole aan kala joogsi lahayn oo isir sifeyn ah si ay dadka Tigrayga ee galbeedka Tigray uga xoogaan guryahooda,” ayuu yidhi Kenneth Roth, Agaasimaha Fulinta ee Human Rights Watch.

Afhayeenka xukuumada Axmaarada Gizachew Muluneh ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in eedaha xadgudubyada iyo isir sifaynta ee galbeedka Tigray ay yihiin “been” iyo “war la sameeyay”.

Dowladda Itoobiya iyo afhayeennada milateriga, taliyihii hore ee ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maareeyaha galbeedka Tigray ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo la xidhiidha inay arrinta ka hadlaan.

Amnesty iyo HRW waxay sheegeen in ciidamada Tigreegu ay sidoo kale gaysteen xad-gudubyo intii uu socday dagaalka 17-ka bilood ah.

Warbixintan oo ku salaysan 427 waraysi oo lala yeeshay dadkii ka badbaaday, xubnaha qoyska iyo markhaatiyaasha, ayaa ah qiimayntii ugu badnayd ee ilaa hadda la sameeyo tacadiyadii ka dhacay galbeedka Tigray.

Galbeedka Tigray-ga ayaa waxaa ka dhacay rabshadihii ugu xumaa ee ka dhashay dagaalkaas, kaasoo ay iskaga horyinaadeen xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo xulafadeeda ka soo jeeda gobolka Axmaarada iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).

Kooxda TPLF ayaa gacanta ku haysay xukuumadda Itoobiya ka hor intii aanu Abiy xilka qaban 2018-kii. Axmaarada iyo Tigreega labaduba waxay sheeganayaan deegaankaas oo ay maamulaan ciidamada Amxaarada iyo ciidamada Itoobiya.

Xasuuqa soo noqnoqday ka sokow, warbixintu waxay soo xigatay shirar ay mas’uuliyiinta Axmaarada kaga hadleen qorshayaal meesha looga saarayo dadka Tigreega ah iyo xannibaado ay ku soo rogeen luqadda Tigreega taasoo caddayn u ah isir sifeynta.

Maamulka federaalku waxa uu ku guul daraystay in uu baadho eedaymaha ku saabsan isir sifaynta, halka ciidanka qarankuna ay geysteen “dil, xadhig aan sabab lahayn iyo jidh dil loo geystay dadka Tigrayga”, ayaa lagu yidhi warbixinta.

Afhayeenka xukuumada Axmaarada Gizachew ayaa sheegay in ciidamada gobolka ay waligood ixtiraami jireen sharciga.