Somalia: Hay’adda NISA oo sheegtay inuu jiro shirqool lagu beegsanayo Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO —(Berberanews)-Qoraal ka soo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ee NISA saacadihii dambe ee xalay, ayaa lagu sheegay inay heleen xog la xidhiidha, in kooxda Al-shabaab ay beegsanayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen la wadaageen Madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaarahaba.
Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya, ayaa qoraalkooda ku magacaabay xubin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, laguna magacaabo Maxamed Maahir, kaas oo ay ku tilmaameen inuu qayb ka yahay shirqoolkaas, isla markaana Hay’addu ku daba jirto.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyada oo Ra’iisal-wasaare Rooble uu maalmo ka hor warbaahinta la wadaagay halis amni oo ka dhan ah iyo hanjabaado uu sheegay inuu helay.