Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay lacagta ay dawladda Soomaaliya ku taageerayso

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dawladda iyo ganacsatada Soomaaliya uga mahadcelisay lacagta ay kaga qaybqaadanayaan dib u dhiska suuqa Waaheen, sidoo kalena waxa uu sheegay in lacagta 11 ka milyan ah ay Somaliland lahayd.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Cumar Cabdillaahi Badde, oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa dawlada iyo ganacsatada Soomaaliya uga mahadceliyay qaadhaanka ay kaga qaybqaadanayaan dib u yagleelidda Suuqa Waaheen ee Hargaysa.

“Soomaaliya waannu uga mahadcelinaynaa in ay dareenkaa muujiyeen iyo in ay ku yabooheen iyo 3 milyan oo ay yidhaahdeen waxa laga bixinayaa miisaaniyada…waxa kale oo aannu u mahadcelinaynaa ganacsatadooda oo 2 milyan oo dollar arrintaas kaga qaybqaadanaya,” ayuu yidhi Wasiirka Qorsheynta Somaliland yidhi.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ku eedeeyey dawladda Soomaaliya in ay siyaasadaysay deeqaha caalamku ugu talogalay Somaliland, waxaannu xusay in lacagta 11 ka milyan ah ee raysal wasaare Rooble sheegay in uu u fasaxayo ay ahayd mid Somaliland lahayd.

“Laakiin, waxa la yaaab leh in Soomaaliya siyaasadayso deeqihii, oo ay ka mid tahay lacagta 11 milyan ee dollar ah, shacabka reer Somaliland waxaan u sheegaynaa lacagtaas innaga ayaa lahayn ee Soomaaliya ma lahayn. Waxay ka mid ahayd kabka miisaaniyadda ee Bangiga Adduunku ugu deeqay wixii laysku odhan jiray Soomaaliya,”  ayuu yidhi wasiir Badde.

Wasiirka ayaa sheegay inay Somaliland ahaan aaminsan yihiin in Bangiga Adduunku uu dawladda Soomaaliya culays ku saaray in ay lacagtan Somaliland ku wareejiso, burburka ka dhashay dabkii qabsaday suuqa Waaheen ee Hargaysa awgeed.