Faysal Cali-waraabe oo soo dhoweeyey lacagta Somalia u soo daayey Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka mucaaradka  Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID Eng Faysal Cali-waraabe, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mr Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay in uu soo daayo lacago uu ku sheegay in maamulka Madaxweyne Farmaajo hore uga xannibay Somaliland.
Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay tallaabada uu ku sii dayanayo lacagihii qeybta ka ahaa dhaqaale ay Jamhuuriyadda Somaliland ka heli jirtay deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya, balse laga hakiyey bilowgii 2017.
“Lacagta waa lacag aan annagu leenahay, waxana lagu heshiiyey sannadkii 2013 in aan la siyaasadeyn wixii mucaawino ah, Ra’iisul Wasaare Rooblena wuu mahadsan yahay lacagteennii buu noo soo daayey.”
“Qaar kalena weyn naga xanniban yihiin. Rooble waxaan kaa codsaneynaa in kuwa kale aad soo dayso ayaan dooneynaa, lacagtaas waa lacagta horumarka loogu talogalay,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo warbaahinta kula hadlayay Hargeysa maanta.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lacag dhan 11.7 milyan oo dollar ay u dirto Hargeysa si loogu taakuleeyo dadka ku xoolo beelay dabkii baabi’yay suuqa Waaheen.