Zelenskyy oo ku eedeeyay Ruushka inuu geystay ‘xasuuq’

Ukraine-(Berberanews)-Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa ku eedeeyay Ruushka in uu xasuuq ka geystay dalkiisa.

“Runtii, tani waa xasuuq. Cidhibtirka guud ahaan qaranka iyo dadka,” Zelenskyy ayaa ku yidhi wareysi uu siiyay barnaamijka wararka ee “Face the Nation” ee CBS.

“Waxaan nahay muwaadiniinta Ukrain  mana rabno in naloo hoosgeliyo siyaasadda Federaalka Ruushka. Tani waa sababta aan u nahay bei.

Dacwad oogayaasha Ukraine ayaa sheegay in 410 meyd ah laga helay magaalooyinka u dhow Kyiv, Dacwad oogayaasha Ukraine oo baadhaya suurtagalnimada dambiyada dagaal ee Ruushka ayaa ka helay 410 meyd ah magaalooyin ku dhow Kyiv 140 ka mid ah ayaana la baadhay. Arrintan ayaa waxaa telefishinka ka sheegay dacwad oogaha guud Iryna Venediktova.