Sirdoonka adduunka oo daraasaynaya dabkii Hargeysa inuu ahaa dhagar la maleegay

Sirdoonka dunida ayaa daraasaynaya Dabkii Hargeysa ka bilaabmay 8 maqribno ee habeenimo 31/03/2022 in uu ahaa danbi iyo dhagar in mudo ah la soo  qorshaynayay iyo in kale.

Mandaqada ayaa waxa ka socdo isbedelo waawayn oo saamayntooda leh.

Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn laga dareemayay Geeska Afrika, dhaqdhaqaaqyadaasi oo ay ku lug lahaayeen kooxo/ururo diimeed oo ka soo horjeeda, Dimuquraadiyada iyo xataa madax banaanida Somaliland kuwaasi oo qaarkood joogaan Somaliland gudaheeda.

Dhaqdhaqaaqyada loo fiirsanayay ayaa isugu jira dhinaca xogo la wadaagay iyo dhaqdhaqaaq maaliyadeed.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa maalmo ka hor ka soo laabtay safar 2 todobaad ah oo uu ku tagay dalka Maraykanka.

Dadka u dhuun daloola arimaha argagixisada ayaa aaminsan in adeegsiga dabku ka mid yahay arimaha ay daneeyaan Kooxaha Argagixisada Islaamiyiinta si ay u curyaamiyaan dhaqaalaha dalka ay doonayaan in ay burburiyaan.

Dhamaan khubarada dhinaca amnigu waxa ay si taxadar leh isha ugu hayeen, isbedelada ka socda Geeska Afrika iyo sida ay uga jawaabayaan xoogaga Dimuquraadiyad diidka ah, kana soo horjeeda Madaxbanaanida dal ahaaneed oo ay Somaliland kaga tagtay Soomaaliya.

Sababo farobadan oo lagu rumaysan karo in weeraro waawayni ku soo socdaan Somaliland ayaa si isdabo joog ah u dhacayay mudooyinkii ugu danbeeyay.

Waxa ka mid ah dhaqdhaqaaqyo dublamaasiyadeed oo ruxay Mandaqada Geeska iyo Caalamka, tusaale Itoobiya oo kor u qaaday xidhiidhka dublamasi oo ay Somaliland la leedahay iyadoo qusulkeedii Hargeisa u fadhiyay u dalacsiisay darajada Safiir buuxa.

Qaabilaado meeqaamkoodu aad iyo aad u sareeyo oo Madaxwaynaha Somaliland loogu sameeyay wadamada Jaarka haar ahaan Itoobiya iyo Djibouti.

Booqasho saxaafada caalamku aad wax uga qortay oo Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Essa Kayd iyo wafti sare oo uu hogaaminayaa ku tageen Taiwan. Taasi oo Shiinaha ka cadhaysiisay.

Wajigabax Shiinuhu kala kulmay Geeska Africa oo Somaliland sababtay.

Iyo ugu danbayn Safarka Taariikhiga ahaa oo Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Biixi Cabdi ku tagtay dalka Maraykanka oo kooxaha mayalka adag ee Soomaaliya ay dareen wayn ka qabaan.

Arimahaasi iyo qaar kale dartood waxa la isku raacsan yahay in Somaliland lagu soo maqan yahay, waxana la sugayay weerarada iyo baaxadooda iyadoo Somaliland dhinaceeda diyaargaraw xoogle samaysay heegankii ugu sareeyayna ku jirta.

Shiinaha oo ka mid ah xoogaga neceb Dimuquraadiyada isla markaasina ku colaadinaya Somaliland xidhiidhka ay la leedahay Taiwan iyo khatarta ay ku keentay qorshayaashiisa isbalaadhinta ee ku aadan guud ahaan Qaarada Afrika ayaa Gaadiid iyo saanad ciidan ayuu siiyay xukuumadda ugu musuqmaasuqa badan dunida ee Somalia.

Mid ka mid ah Wadaada Xagjirka ah Aden Sune ayaa booqashada Madaxwaynaha Maraykanka ee Madaxwaynaha Somaliland waxa ay sababtay in uu gabi ahaanba si qarsoodi ah uga guuro Somaliland isaga oo sii kaxaystay xubnihii Qoyskiisa oo dhan shaacana ka qaaday in uu ku biiray Argagixisada Alshabaab Somalia.