Raysal-wasaare Rooble oo amray in 11 milyan loo fasaxo Somaliland

Muqdisho-(Berberanews)-Raysal wasaaraha Somalia mudane Engineer maxamed Xussein Rooble Ayaa Amar ku bixiyay in Somaliland loo fasaxo 11 malyuun oo Dollar ka maraykanka ah iyo 7 boqol oo kun oo Dollar.

Lacagtan oo marka ahayd Deeqaha Caalamiga ah ee Somalia iyo Somaliland laysugu daro waxa hore Somaliland uga Xannibay madaxweyne Farmaajo iyo mahdi maxamed Guuleed oo ah ku Xigeenka raysal wasaarahii Xukuumaddii Xassan Cali khayrre illaa immikana jooga isaga oo weliba kasoo jeeda Deegaan ahaan Somaliland, reer hargeisa.

Lacagtan ayaa la sheegay inay tahay deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa

Raysal wasaare maxamed Xussein Rooble ayaa ah nin si dhaw ula shaqeeya Somaliland.