Raysal-wasaaraha Pakistan oo ka badbaaday shirqool reer galbeed u maleegeen

Madaxweynaha Pakistan ayaa kala diray baarlamaanka kadib markii uu kula taliyay ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan, kaasoo ka badbaaday tallaabo ay mucaaradka ku doonayeen inay xilka kaga xayuubiyaan. Oggolaanshaha madaxweyne Arif Alvi ee codsiga Khan waxay la macno tahay in doorasho cusub lagu qabto sagaashan maalmood gudahood.

Go’aankaas ayaa waxa ka dhashay mudaharaadyo ay dhigayaan xisbiyada mucaaradka ah oo sheegay in ay haatan dacwad u gudbinayaan maxkamadda ugu sarraysa dalkaas.

Imran Khan ayaa ku sheegay arintaas shirqool Maraykanku wado hase yeeshee Washington way ku gacansaydhay eedaaas.