Madaxweynaha  Somaliland Oo Mahadcelin u Diray Madax Caalami Ah

Hargeysa-03-04-2022-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyey masuuliyiin kala duwan iyo madax caalami ah oo bulshada Somaliland lasoo wadaagtay dareenka tiiraanyada leh ee ka dhashay dabkii weynaa ee baabi’iyey suuqa weyn ee Waaheen.

Ugu horrayn Madaxweynuhu waxa uu u mahadceliyey guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda u qaabilsan Baarlamaanka waddanka Maraykanka xildhibaan Gregory meeks oo baraha bulshada ee  guddidaas ku  muujiyey dareenkiisa la xidhiidha sida uu uga xun yahay masiibada dabku gaadhsiiyey dhaqaalihii shacabka reer Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay guddoomiyaha, ahna madaxa fulinta ee shirkadda DP World Mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem oo Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay, kana dareen celiyey baaxadda dhibkii uu bulshada u geystay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen.

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweynaha maamulka gobolka Oromada Shimelis Abdisa oo Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay, una muujiyey dareen walaaltinimo oo la xidhiidha sida uu uga xun yahay dhibaatada dabkii Suuqa Waaheen gaadhsiiyey bulshadii ganacsatada ahayd iyo gebi ahaanba dhaqaalaha dalka Somaliland.