Madaxweyne Biixi: “Hargeysa waynu dhisaynaa, horena iyadoo dhulka lala simay ayeynu dhisnay”

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ka warbixiyey dabka galaaftay suuqii ugu weynaa caasimadda Hargeysa Waaheen xalay, ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen 28 qof, isla markaana uu sababay burbur hantiyeed oo aad u baaxad weyn.

Md Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay meel ku dhow suuqa Waaheen oo xilligaas gubanayey saqdii dhexe ee xalay, ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay u badan yihiin dadka suuqa hantida ku lahaa oo dabku gaadhay, qaarkoodna dabku neef qabateeyey xilli ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan wixii ay ka gaadhaan hantidooda.

“28 qof ayaa ku dhaawacmay 9 ayaa dumar ah. Waa dadkii gurmadka ahaa ee hantidoodu ku jirtay, ee ama finiinka dabku soo gaadhay ama neef qabatoobay iyo hal qof oo bahal hoose qaniinay, oo dooxa soo marayey,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu magacaabay guddi ka shaqayn doona ka soo kabashada masiibada “Guddida la magacaabay ee sheekhu hoggaaminayo iyo ciddii kale ee lagu soo dari doono waxay galaysaa gurmad aad ah, xukuumadduna waxay u soo daynaysaa hal milyan oo dollar.”

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Hargaysa dib loo dhisi doono, sidii dagaalkii kadiba loo dhisay.
“Hargaysa waynu dhisaynaa, waynu dhisanaynaa, iyada oo aan saqaf lahayn oo dhulka lala simay ayeynu dhisnay, ka werweri maayo in aynu dhisayno,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali-waraabe, oo saaka soo gaadhay suuqa gubanaya ayaa dhaliilay qaabka xukuumadu u wajahayso wax ka qabashada masiibada, isaga oo sheegay in aan loo baahnayn in madaxweynuhu  hal milyan oo doollar ku dhawaaqo.