Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida

Hargeysa-02-04-2022-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu galabta qasriga madaxtooyada Somaliand ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda Dawlad Deegaanka Soomaalida oo uu hoggaaninayo hoggaanka nabad-galyada Dawlad Deegaanka Mudane Mubashar Dubbad  Raage.

Waxaanu daaranaa safarkoodu inay shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland la qaybsadaan tiraanyada iyo murugada ka soo gaadhay masiibadii xalay ku habsatay suuqa Waaheen oo gebi ahaanba shufbeelay, waxaanay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland soo gaadhsiiyeen tacsi ay ka sidaan madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu isna dhiniciisa ku bogaadiyey weftiga iyo dawlad deegaanka Soomaalida doorkii lama ilLaawaanka ah ee uu xalay saqbadhkii gurmadka ugu fidiyey masiibadii dabku sababay ee suuqa Waaheen oo uu madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo maamulkiisu ku noqday ciddii koowaad ee gurmad u fidisa Somaliland, una soo dirta baabuurta gurmadka dabka, ciidamo kala duwan kuwaas oo la qaybsata dhibkii soo gaadhay shacbiga Somaliland, isagoo madaxweynuhu xusay inay taasi tahay mid lama illawaan ah oo shacbi iyo dawladba meel ugu qoran mar ay noqotana ay Somaliland celin doonto abaalkaasi mid la mida.

Xubnaha weftiga ah ee ka socda dawlad-deegaanka Soomaalida, ayaa hormuud u ahaa  gargaarka iyo taageerada ay dalalka derisku u muujiyeen  Jamhuuriyadda Somaliland oo ay masiibo darani kasoo gaadhay dabkii xalay baabi’iyey suuqa Waaheen, waxana taas daba socday dhambaal taageero ah oo uu Ra’isal wasaare Abby Ahmed barihiisa Bulshada usoo mariyey shacabka Somaliland iyo hoggaankooda, isla maantana uu u soo diray wefti heer wasiiro ah.

Xubnaha Weftiga oo ka koobnaa hogaanka nabad-galyada Mudane Mubashar Dubad  Raage, Commissioner Maxamed Cali Xasan, machadka tobabarka shaqaalaha, Mudane Jamaal Fidaar iyo La-taliyaha madaxwaynaha, Mudane Maxamuud Xaaji Cabdishakuur