Dawladda Soomaaliya oo Sheegtay in Farmaajo Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland

Muqdisho  -(Berberanews)-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, kana wadahadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa xalay.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Muqdisho maanta, Madaxweyne Farmaajo ayaa  la wadaagay Madaxweynaha Somaliland tiiraanyada iyo walaaciisa ku aaddan dhibaatada soo gaadhay dabkaas ganacsatada reer Somaliland iyo magaalada Hargeysa.
“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan bulshada Somaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaanan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood,” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.
Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa weyn Hargeysa.