Madaxweyne Farmaajo: Waxaan muragada la qaybsanayaa shacabka Hargeysa

Muqdisho-(Berberanews)-War kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa sidan u dhignaa;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka murugaysan khasaaraha dabkii caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle ugu baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.  Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.  “Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.”