Maayarka Hargeysa oo ka hadlay Khasaaraha Dabka Hargeysa

Hargeysa (Berberanews):- Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay inaanay illaa hadda jirin khasaare nafeed ama Dhimasho uu sababay Dabka caawa Cishaa’igii ka dib ka bilaabmay Suuqa ugu weyn Hargeysa ee Ganacsiga ee Waaheen.

Duqa Caasimadda Hargeysa, waxa uu sheegay in aan hanti la hadal hayn oo ganacsigii suuqaasi Dabku baabbi’iyey, balse aanay dhimasho jirin illaa hadda.

“Waxa Allaah mahaddii ah illaa hadda xogta aannu hayno inaanay Dad ku dhintay Dabka jirin. Hantidii taallay way baabbaday. Laakiin, hantida, waa laga soo kaban doonaa, Dadkani baabba iyo burbur badan bay soo mareen oo ay ka soo kabteen.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.

Maayer Mooge waxa uu sheegay inay Dadweynaha isugu yimi Suuqa gubanayaa ay caqabad ku noqdeen in si degdeg ah loo dambiyo Dabka amma loo Xakameeyo. Haseyeeshee, hadda lagu guulaystay in la Xakameeyo oo aanu ku sii fidin qaybaha kale ee magaalada, isagoo xusay in la dhimay awoodda  iyo xawaaraha uu Dabku ku socday hadda ka hor.

Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu ugu baaqay Dadweynaha isugu yimi Suuqa inay iskaga baxaan, si Ciidammada Dab-demiska iyo Ciidammada kale ee Qaranka iyo Booyadaha Dadweynaha ee soo gurmaday ay ugu fududaato hawsha la tacaalidda Dabka.