Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya oo ka hadlay sababta Fahad Yaasiin looga reebay liiska

Muqdisho  -(Berberanews)-Guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya Muuse Geelle Yuusuf, ayaa ka hadlay sababta liiska xildhibaannada barlamaanka cusub looga reebay la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweyne Farmaajo,  Fahad Yaasiin Daahir iyo saddex xubnood oo kale.
Guddoomiye Geelle oo la hadlay laanta BBC Soomaali ah, ayaa sheegay in xildhibaannadan looga reebay liiska la shaaciyay sababo la xidhiidha habraaca lagu doortay oo ay wax ka qaldanaayeen.

Geesta kale, Geelle ayaa iska fogeeyay in dhinacyo siyaasadeed oo ka sarreeya ay culays ku saareen inuu liiska barlamaanka ka reebo afarta kursi, si cid kale loogu soo beddelo kuraastooda.

“Cidna cadaadis ima saari karto, wixii sax ah oo doorashadaas lagu sixi karo, waa lagu saxayaa. Hadalada ku tidhi kuteenka ah waxba uma arko,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Geelle.

Xalay ayay ahayd markii guddiga doorashada ay shaaciyeen liiska xildhibaannada la doortay, kaas oo laga reebay magacyada afar xildhibaan oo uu Fahad Yaasiin ku jiro.

Arrintaas ayaa keentay in xoghayaha guddiga doorashada iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan ay kasoo horjeesteen in liiska barlamaanka cusub laga reebo afarta xubnood ee Fahad Yaasiin ka mid yahay.