Xukuumadda Farmaajo oo ugu baaqday Aadan Sunne inuu ka dagaallamo gudaha Somaliland

Wasiir Qaasim: “Sheekh Aadan Sunne waxaan leeyahay mushkiladdu meesha ay taal kula dagaallan”

Muqdisho -(Berberanews)-Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka dalbaday Sheekh Aadan Sunne oo dhowaan ku biiray kooxda Al-shabaab haddii uu gaalo la dirirayo inuu kula dagaallamo gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka baxsaday.
Wasiir Qaasim oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay Muqdisho shalay, waxa kaloo uu Sheekh Aadan Sunne u soo jeediyey in aanay suurtogal ahayn inuu dagaal yimaad Soomaaliya oo uu ku dooday in aanay gaalo joogin.
“Farriin ayaan farayaa ragga uu Aadan Sunne ugu horreeyo ee BBC-da laga waraysanayey. Waxaan leeyahay haddii ujeeddadaadu tahay gaalo la dirir, cid kaa yeelaysa malaha, meesha gaaladu joogto ayaan ka soo tagayaa, oo meel aan gaalo joogin ayaan aadayaa, oo koonfur ayaan soo aadayaa, fikirkaas cid aad ku shubi karto ma jirto.  Mushkiladdu meesha ay taal haka soo tagine meeshaas kula dagaallan,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa dhammaan saraakiisha Alshabaab ee aan Soomaaliya ka soo jeedin u soo oo jeediyey inay waddamadooda kula dagaallamaan gaalada ay sheegayaan, balse aanay dagaalka Soomaaliya u soo waaridin.

“Kuwa kale ee waaweyn waxaan leeyahay waar meeshan gaalo ma joogto.  Meesha ay gaaladu joogaan intaad ka soo tagtaan annaga hanoosoo waaridine meelihiina kula dagaallama,” ayuu yidhi wasiir Qaasim

Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ahaa culimada mayalka adag ee reer Hargeysa, oo ay xukuumadda Somaliland isku fahmi waayeen fikiraddiisa awgeed, ayaa 21 bishan March ku dhawaaqay in uu ku biiray kooxda Alshabaab ee ka dagaallanta gudaha Soomaaliya.