Rooble: “Waa nool yihiin kuwii kharashka ku bixiyey ninkii Aamina isku qarxiyey”

Muqdisho   -(Berberanews)-Ra’iisal-wasaaraha xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya Mr. Maxamed Xuseen Rooble, ayaa daboolka ka qaaday gacan isku mid ah fulisay dilalkii lagu khaarajiyey laba gabdhood oo ka kala tirsanaa Baarlamaanka iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, isla markaana nool yihiin ciddii kharashka ku bixisay dilalkaas oo dhaliyey dareenno xoog oo salka ku haya arrimo siyaasadeed.

Mr. Rooble oo ka hadlay kulan baroordiiq ah oo magaalada Muqdisho loogu sameeyey xalay Allaah ha u naxariistee xildhibaannad Aamina Maxamed Cabdi oo iyada iyo dad kale oo badan lagu dilay qaraxyo ka dhacay magaalada Baladweyne dhowaan, ayaa sheegay gacanta dishay Aamina ay tahay tii ay ku baxday Ikraan Tahliil oo ahayd sarkaalad ka tirsanayd Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, markaana la waayey.

“Waxaan aaminsanahay sida aan u aaminsanahay in aan caawa dhiman karo in xildhibaan Aamina gacanta ka gardaran ee dishay ay ahayd gacantii dilka Ikraan Tahliil ka dambeysay,” ayuu yidhi Rooble.

Ra’iisal-wasaaruhu waxa uu tibaaxay in ka hor dhimashadii marxuumad Aamina ay isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle ka wadahadleen khilaaf ka dhex taagnaa guddiga doorashooyinka ee maamulkaas oo sida Rooble sheegay guddoomiyihii la beddelay uu doonayay in kursaas uu ka mid yahay kursiga Aamina u tartamaysay cid gaar ah loo xidho.

Kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Hirshabeelle, lana magacaabay guddoomiye kale ayuu Ra’iisal-wasaare Rooble sheegay in wax yar kadib waqtigaas loo soo diray farriimo loogu hanjabayo.
Walaalkey Cali Guudlaawe subixii dhoweyd ee uu i soo wacay oo ay is khilaafeen Guddoomiyaha Guddida Doorashada Hirshabeelle, kaas oo doonayey in kuraas u xidhnaato oo dad gooni ah la siiyo, markii madaxweyne Guudlaawe aqbalay in kuraastaas la furo ee uu ila soo xidhiidhay, garabna aan ku siiyey in ninkaasi la beddelo, waxaan isla markiiba aniga madaxweyne Guudlaawe ka wadahadllanay furitaanka kiiskaas oo ay Aamina ka mid tahay in dhibaato soo gaadhi doonto,” ayuu yidhi Rooble.

Isaga oo arrintaas ka sii hadlayey waxa uu intaa raaciyey; “Ilaahay ayaa iga sarreeya wax saacad ka yar kadib farriimo ayaa ii soo dhacay waan hayaa oo la i leeyahay kursigaas Aamina furitaanka aad furteen boob iyo ujeeddo ayaad ka leedahay, laakiin waa waxaad ka hesho.”
Mr. Rooble waxa shaaca ka qaaday in dadkii lacagta ku bixiyey dilka Aamina iyo kuwii abaabulayba ay nool yihiin, isla markaana aan laga hadhi doonin.

“Waa nool yihiin kuwii kharashka ku bixiyey ninkii Xildhibaannad Aamina isku qarxiyey kuwii abaabulay waa nool yihiin, laakiin insha Allah, Alle Subxaanuhu Watacaalaa wuu ka soo saarayaa xaqdarrada ay galeen, mana ka hadhaynno intaan noolahay,” ayuu yidhi Maxamed Xuseen Rooble ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.